Fikradaha ku saabsan caafimaadka maskaxda

coronavirus information

Daryeelidda caafimaadkaaga maskaxda waqtiga aad u baahan tahay in aad guriga joogto 

Waxaa sii kordhaysa inteena waqti badan guri joogaysa oo suurogal nooma noqon doonto in aan samayno qaar farabadan oo ka mid ah maaweelooyinkeenii bulsheed ee joogtada ahaa. 

Waxaa ku caawin doonta in aad isku daydo in aad u aragto waqti duwan oo noloshaada ka mid ah, halkii aad uga eegi lahayd waqti xun, xataa haddii ay tahay wax aadan adigu dooranin. 

Isku day in aad ka fogaato aragtiyada malaha ah oo raadi ilaha lagu kalsoon yahay ee ka hadlaya dillaaca cudurka 

Kutiri kuteenka iyo aragtiyada malaha ahi waxay dabka u shidi karaan walwalka. Helidda macluumaad tayo fiican oo fayruska ku saabsan ayaa kugu kordhin karta dareenka xukunka xaaladda. 

Raac talada ku saabsan nadaafadda jirka sida in aad gacmahaaga mayrto ama dhaqdo in ka badan inta caadiga ah, muddo 20 ilbiriqsi ah adigoo isticmaalaya biyo kulul iyo saabuun. Waa in aad tan samayso mar kastoo aad guriga timaaddo ama shaqada gasho, sanka iska duufiso, hindhisooto ama qufacdo, wax cunto ama cunto ka shaqayso. Haddii aadan islamarkaaba gacmahaaga mayri karin, isticmaal jeermis tiraha gacmaha ka dibna gacmaha mayr marka xigta ee aad fursad u hesho. 

Isku day in aad xiriir dadka kula jirto  

Waqtiyada diiqada la dareemo, waxaan si ka fiican uga shaqaynaa marka aan wehel iyo taageero helno. Isku day in aad xiriirka kula jirto saaxiibbadaada iyo qoyskaaga, adigoo isticmaalaya telefoonka, iimayl ama baraha bulsheed.  

Waxaa kuu fiicnaan karta in aad diiradda saarto waxyaabaha aad samayn karto haddii aad dareento in aad awoodayso: 

  • maamulka diiqada 
  • firfircooni samee 
  • qaado cunto dheellitiran 

Saaxiibbada kula xiriir baraha bulsheed laakiin isku day in aadan waxyaabaha buunbuunin. Dadka la wadaag uun waxa aad ka hesho ilo la aamino, oo xasuuso in saaxiibbadaada iyagana uu walwal geli karo. Ku fikir in aad dhawaaqa ka demiso ama ka harto bogagga ama xiriirrada hashtag ee walwal kugu dhaliya. 

Carruurtaada la hadal  

Yaynaan iska dhaafin ‘mawduuca cabsida leh’ laakiin aynu ugala hadalno hab iyaga ku habboon.  

Waxaan haynaa talo ku saabsan sida aad ugala hadlayso carruurtaada dillaaca cudurka coronavirus.  

Isku day in aad saadaaliso saxariirka 

Waa caadi in la dareemo nugayl iyo culays dhaaf, gaar ahaan haddii aad waqti hore la kulantay masiibo ama dhibaato gaartay caafimaadka maskaxda, ama haddii aad qabto xaalad caafimaad oo jirka haysa waqti dheer oo kuu sii nuglaynaysa saamaynta fayruska coronavirus. 

Waxaa muhiim ah in aan dareennadan qiranno oo uu qofba qofka kale xasuusiyo in uu daryeelo caafimaadkiisa jirka iyo maskaxda, laakiin ka war hay oo iska ilaali in aad kordhiso caadooyinka laga yaabo in aanay waxtar lahayn waqtiga dheer, sida sigaar cabka iyo khamriga. 

Isku day in aad niyadda u dejiso dadka aad garanayso ee laga yaabo in ay walwal qabaan oo soo warayso dadka keligood meel ku nool. 

Isku day in aad malaynta ka fogaato 

Dadka ha dhaleecayn oo iska ilaali in aad fikir la'aan iskaga dhaadhiciso cidda masuul ka ah fidista cudurka. Fayruska coronavirus waxuu saamayn karaa qof kaste, iyadoo aanan loo eegayn jinsiga, jinsiyadda ama jihada galmada. 

Isku day in aad maamusho sida aad warbaahinta ugala socoto dillaaca cudurka  

Aad ayay u ballaaran yihiin wararka ku saabsan dillaaca cudurku. Haddii aad aragto in wararku ay diiqad ama walaac aad u weyn kugu dhalinayaan, waxaa muhiim ah in aad dheellitir u hesho. Waxaa ugu fiican in aadan wararka dhammaantood iska xirin oo aad war iyo cashar sii hesho, laakiin iska yaree wararka ku soo gaara haddii ay ku dhibayaan.  

Fikrado dheeraad ah waxaa laga heli karaa barta internetka hay'adda Mental Health Foundation (Hay'adda Caafimaadka Maskaxda).

This translation was funded by Foundation Scotland and the National Emergencies Trust and distributed by the Scottish Refugee Council.