Falalka naxariista ee lama filaanka ah waqtiga dillaaca cudurka coronavirus

Hal shay oo aan dunida oo dhan ku aragnay waxa weeyaan in naxariistu ay ugu muuqaal badan tahay waqtigan shakiga leh. Dadka ayaa iskugu ururaya balakooneyaasha oo ku wada heesaya Talyaaniga, kuwo kale waxay aasaasayaan kooxo ama ururro taageero ugu deeqa waayeelka ama dadka nuglan - sida u soo qaadista cuntada guriga ama soo wicidda si ay ula sheekaystaan. Waxaan sheeko ku maqalnay dad habeenno filin ku wada daawada nidaam dalwaddii ah ama kumbiyuutar iyo kuwo qoobkaciyaar habaysan ku dhisa sheekada fiidiyowga leh si ay dunida ula wadaagaan. 

Waxaan barannay in cabsida dhexdeeda, ay weliba ka jirto bulsho isku timaadda, taageero iyo rajo 

Faa'iidada dheeraadka ah ee nooga timaadda caawinta dadka kale waxa weeyaan in ay u fiican tahay caafimaadkeena maskaxda iyo wanaagqabkeena. Waxay taasi yarayn kartaa diiqada waxayna wanaajin kartaa wanaagqabkaaga shucuureed. Haddii la soo gaabiyo, sama faliddu way kuu fiican tahay

Ka qayb gal falalka naxariista ee lama filaanka ah  

  • Wac qof aad saaxiibbo tihiin oo aadan muddo la hadlin 
  • Qof qoyskaaga ka mid ah u sheeg sida aad u jeceshahay ee aad ugu mabsuuddo 
  • Koob shaah ah u diyaari qof aad meel la deggan tahay 
  • Qaban qaabi in aad shaah wada cabtaan oo aad kumbiyuutarka isku waraysataan qof aad garanayso 
  • Gacan ka dhiibo hawlaha gurigaaga middood 
  • Qaban qaabi in aad isla saacad keliya filin wada daawataan qof aad saaxiibbo tihiin oo aad fiidiyow isku wacdaan 
  • Qof aad garanayso u sheeg in aad ku sharaf qabto 
  • Qof aad garanayso u sheeg sababta aad ugu mahad qabto 
  • Farriin qoraal ah ee telefoonka gacanta oo dhiirrigelin leh u dir qof aad saaxiibbo tihiin oo rafaad ku jira 
  • Qof aad garanayso u dir maad si aad uga farxiso 
  • Qof aad garanayso u dir sawirka xayawaan qurux leh 
  • Qof aad saaxiibbo tihiin u dir hadal niyad gelin leh 
  • Qof aad saaxiibbo tihiin u dir maqaal xiise leh 
  • La xiriir qof aadan muddo arag oo qaban qaabi in aad telefoonka isku waraysataan 
  • Waqti la ciyaar xayawaankaaga guriga 
  • La xiriir oo wac qof aad saaxiibbo tihiin, qof qoyskaaga ka mid ah ama deriskaaga oo ku jira keli ahaan ama is xayiraad 
  • Deeq sii hay'ad samafal ah 
  • Dhegta qof u dhig – wac qof aad wada shaqaysaan oo weydii dareenka uu ka qabo isbeddelka hawlaha caadiga ahaa 
  • Qofka aad wada shaqaysaan ka ammaan wax uu si fiican u qabtay 
  • Qaban qaabi in aad fiidiyow ku wada qadaysaan qof aad wada shaqaysaan 
  • Qof aad garanayso u dir sheeko niyad gelin leh oo ku saabsan naxariista ay dadka dunida ku kala baahsan u muujinayaan dadka kale 
  • Deeq sii kaydadka cuntada 
  • Qof aad saaxiibbo tihiin ugu baaq in aad xirfad kula wadaagto wicis fiidiyow leh - waxaad bari kartaa kabanka, qoobkaciyaarka iwm. 
  • Taageero ugu baaq deriskaaga nuglan 
  • Qof ugu baaq in aad u dirto cunto makhaayad laga soo qaato ama cunto aad karisay 

La xiriir ururka Volunteer Scotland haddii aad rabto in aad baarto fursadaha mutaddawacnimada ama samafalka. 

This translation was funded by Foundation Scotland and the National Emergencies Trust and distributed by the Scottish Refugee Council.