Daryeelidda caafimaadkaaga maskaxda hadda oo aan ka soo baxayno xayiraadda

Qaar farabadan oo naga mid ah, dabcinta tartiib tartiibta ah ee xayiraadda ayaa u keenta fursado ay sugayeen (xataa haddii ay weli dadka kala fogaadaan) – in ay arkaan saaxiibbo, ciyaaraan isboorti, dib u bilaabaan xiriirka ay qaraabada kula yeeshaan ‘bannaan dhab ah’ ama dib ugu noqdaan shaqada qiime noo leh.

Laakiin qaar kaloo farabadan oo naga mid ah, xataa isbeddellada farxadda leh, ee aad loo saadaalinayey ayaa ku adkaan kara caafimaadkeena maskaxda.

Kuwo kaloo farabadanna waxaa walwal dhab ah ku dhalin kara qorshaha loogu jiro in laga baxo xayiraadda marka doodi ay weli ka taagan tahay cilmisayniska taas lagu taageerayo. Waxay tani gaar ahaan khusayn kartaa dadka u sii nuglan fayruska iyo kuwa naga mid ah ee walaacyo ka qaba caafimaadka maskaxda.

Dadka gabbaadka ku jira ama halis dheeraad ah ku wajahan

Dadka iyagu gabbaadka ku jira, waxaa aad loogu yareeyey dabcinta nidaamyada xayiraadda, inkastoo ay dawladdu dib u eegi doonto xeerasha loogu talagalay dadka gabbaadka ku jira dhammaadka bisha Juun.

Dadka 70 jir ka weyn, haweenka uurka leh iyo dadka qaba xaalad caafimaad oo waqti dheer ayaa ah kooxaha la soo ogaaday in ay halis dheeraad ah ugu jiraan koronafayrus, inkastoo haddana qaarkood oo keliya la weydiiyey in ay gabbaad galaan.

Hase yeeshee, waxaa iyaga lagula taliyey in ay naftooda si siyaado ah u daryeelaan si ay iskaga yareeyaan halista qaadista fayruska. Kooxahan gaar ahaan waxaa ku adkaan karta in ay noloshoodu ugu soo noqoto xaalad ‘caadi ah’ waqti aad u sii dheer. 

Markaa halkee ayay ku beegan yihiin caqabadaha ku wajahan caafimaadkeena maskaxda marka aan ka soo baxayno xayiraadda, oo maxaan kuwaas ka qaban karnaa?

Waa maxay caqabadaha caafimaadka maskaxdu, oo maxaan ka qaban karnaa?

Waa in aan isku diyaarinno xaqiiqada ah in dhammaadka xayiraaddu uu noogu adkaan karo isla sidii bilowgeedii.

Isla sidii ay waqti noogu qaadatay si aan u soo helno habab aan ugu adkaysanno waqtigii xayiraadda, waa in aan sidoo kale u filanno in ay waqti qaadan doonto si aan dib ugu soo noqonno, oo aan dib iskugu xirno nolosha.

Fikradahayaga ku saabsan caafimaadka maskaxda ee ka hadlaya sida loo dhisto hawlo caadi ah, dadka loola xiriiro, cunto fiican loogu qaato, loona sameeyo jimicsi ayaa iminka u habboon isla sidii ay ugu habboonaayeen bilowgii xayiraadda – waa siyaado ayaaba la oran karaa maadaama aan weli ku jirno waqti diiqad badan oo laakiin masuuliyad dheeraad ahi naga saaran tahay.

Maadaama ay xaaladaheenu annaga gooni noo yihiin, waxaa aad muhiim u ah in aan isku dayno in aanan si xun u dhaleecayn nafteena marka aan eegno waxa ay dadka kale sameeyaan. Dadkoo dhan waxaa ku wajahan shaki iyo caqabad – waxaana khasab nagu ah in aan kaga gudubno karaankeena ugu fiican.

Cabsi iyo walwal

Cabsida iyo walwalka ayaa laga yaabaa in ay yihiin ficilcelinta shucuureed ee ugu badan ee qaar kastoo naga mid ahi ay dareemi doonaan marka aan ku dhawaanno furidda xayiraadda. Waxaa shucuur badani ay nagaga baxday soo helidda hab aan iskugu jiidno si aan uga gudubno xayiraadda waxaana laga yaabaa in aan helnay xaalad aan ugu adkaysanno, oo aanan weli rabin in aan ka tagno.

Qaar farabadan oo naga mid ah ayaa ka cabsi qaba in ay ku bukoodaan fayruska ama ay caabuqa u gudbiyaan dadka ay jecel yihiin, maadaama ay halistu korodho marka ay dadku wada macaamilaan. Tani waa ficilcelin gebi ahaan caadi ah, laakiin waxaa halista la dhimi karaa marka xeerasha la raaco.

Waqti walboo aan wax dib ugu noqonno waxaan ka dareemi doonnaa xaalad aanan caadi ahayn ama xataa cabsi. Waxaan dareemi karnaa walaac ama walwal.

Waxaa taas sabab u noqon karta in maanaan uddo waxaas samaynin, waxaanan illownay dareenka uu waxaasi leeyahay – sida tagidda shaqada. Waxaa taas sabab u noqon karta in ay xaaladdu is beddeshay cudurka safmarka awgiis iyo in ay is beddeleen nidaamyadii caadiga ahaa – sida dariiqyada hal dhinac lagu maro iyo safafka loo galo dukaannada.

Waxaa muhiim ah in la aqoonsado in dareennadani ay macquul yihiin, oo iyaga la filo. Marka aan tartiib tartiib u baranno in aan u adkaysanno oo keliya ayaan ka gudbi karnaa cabsiyahan.

Waxaan caro ama caalwaa ka dareemi karnaa habdhaqannada dadka kale waxaanan dareemi karnaa in aan degdeg u dhaleecayno ama aan baraha bulsheed ka bixinno faallooyin ka turjumaya walwalkeena. Waxaa muhiim ah in walaacyada lala wadaago dadka aan aaminno laakiin in weliba la xasuusto in aadan xukumi karin habdhaqannada dadka kale, iyo in faallooyinka laga bixiyo internetku ay dhakhso u keeni karaan anshax xumo.

Haddii aad karayso, caalwaagaaga dhakhso si gaar ah ugu sheeg qof aad aaminayso, ka dibna iska dhaaf. Haddii aan wax dhaafi weyno oo aan xajisanno waxaan geli karnaa baryaqaad – goortaasoo aan wax ku calalinno maskaxdeena.

Qaar farabadan oo naga mid ah, cudurka safmarka ayaa nagu kordhiyey walwalka, ama nooga sii daray dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda ee hore u jiray. Waxay qaadan kartaa waqti dheeraad ah si loola qabsado isbeddellada loo baahan yahay – tusaale ahaan dariiqyada hal dhinac lagu maro ee dukaannada ee xira jidadka si nabad ah looga bixi karo ama xirashada maaskarooyinka wajiga ee dhaliya xasuusashada masiibo hore, ama dareennada argagaxa maadaama la dareemo in aanan la neefsan karin.

Haddii ay suurogal tahay, xawaare adiga gaar kuu ah ku soco – laakiin isku day in aad naftaada taxaddi u galiso in aad isku tijaabiso wax duwan maalin kaste ama ilaa labadii maalmoodba mar. Waxaa aad u fudud in la isku oggolaado in gooni u go'naantii loo baahnaa waqtigii xayiraadda lagu beddelo cidla kas ah marka ay xayiraaddu dhammaato. Maamuus oo xuso guulaha yar yar (iyo guulaha waaweyn) ee aad gaarto oo isku day in aad xasuusqor ka samayso waxa aad guul ka gaarto.

Dad farabadan waxay xayiraaddu u ahayd waqti iska buuq yar oo cidla ah.  Dib ugu soo noqodka dukaannada, baabuurta, gaadiidka, iyo shaqada ayaa dareennada badin kara – iyadoo la dareemo in ay culays bataan muuqaallada, dhawaaqyada ama urtu. Samaacadaha dhegaha ayaa noqon kara hab fiican oo tan la iskaga yareeyo taasoo kaa caawisa in aad wax diirad saarto oo kugu jeedisa wicista, muusikada, warbaahinnada gaagaaban ee bodkast ama buugaagta la dhegeysto.

Fikradaha ku saabsan sida loogu adkaysto cabsida iyo walwalka

Xukun waxa aad xukumi karto – waxaa jira waxyaabo farabadan oo aadan xukumi karin oo kuu keena cabsi iyo walwal – laakiin waxaa jira waxyaabo aad maamuli karto ama u qorshaysan karto. Waxaa ku caawin karta in aad yeelato qorshe waxqabad oo aad ku maamusho waxyaabaha kugu adkaan kara.

Qunyar ku soco – waxaa muhiim ah in aad garato in aad u baahan tahay in aad ku socoto xawaaraha adiga kugu habboon. Dadka kale ha u oggolaan in ay kuugu xoogsheegtaan ama kugu cadaadiyaan in aad samayso waxyaabaha aadan rabin – laakiin isku day in aanay taasi kaa horjoogsanin in aad naftaada cadaadiso, gaar ahaan si aad saaxiibbada hab nabad ah dib ugula xiriirto, meel gurigaaga ka baxsan, marka xeerashu ay oggol yihiin uuna waqtigeedu adiga kugu habboon yahay. Waxaa adkaan karta in aad oggolaato in ay dadka kale adiga kaa tagaan oo ay hore u dhaqaaqaan – laga yaabo in ilmahaagu uu rabo in uu saaxiibbadiis arko ama uu u baahan yahay in uu shaqada ku noqdo, laakiin adigu aadan karayn. Waxaa muhiim ah in aad walaacyada kala hadasho dadka kuu dhow, laakiin in aad weliba dadka kale siiso bannaan iyo fursad ay ugu guuraan xawaaraha iyaga gaar u ah. 

Baro u adkaysiga – isku day in aad samayso wax taxaddi ku geliya maalin walba, ama xoogaagii maalmoodba mar. Ha is canaanan haddii ay si fiican u dhici weydo laakiin sii wad. Xasuusqor ka samee waxyaabaha aad guul ka gaartay, xiisaysay ama aad ka yaabtay in aad samaysay.

Bedbeddel hawlaha caadi kuu ah – isku day in aad bedbeddesho hawlaha caadi kuu ah si aad u aragto dad kaladuwan oo aad ula kulanto xaalado kaladuwan. Haddii walaac kaa galo hal dukaan weyn, mid kale tijaabi. Haddii uu buuq badan yahay socodka aad u baxdo waqti maalinta ka mid ah, isku day in aad isku darto socodyada waqtiyada buuq badan iyo socodyada waqtiyada buuq yar.

Shaqada la hadal – Goobo shaqo farabadan ayaa siyaado u rukhsaynaya shaqada dabacsan xataa haddii dadku ay u baahan yihiin in ay soo noqdaan. Haddii ay kugu adag tahay in aad shaqada gaarto, ama samayso xilliyo shaqo ama waxqabadyo gaar ah sababtoo ah walwal ama cabsi, la hadal maamulahaaga ama qof aad wada shaqaysaan oo aaminayso haddii ay sax kuula eekaato. Haddii aad qabto ama aad hore u qabtay dhibaatooyin caafimaadka maskaxda ah oo waqti dheer, waxaad xaq u yeelan kartaa hagaajis macquul ah maadaama aad tahay qof naafaysan marka la raaco Sharciga Sinnaanta (Equality Act). Xataa haddii aadan hore u shaacinin, haddii aad ku badbaado qabto in aad sidaas samayso iminka waxaa laga yaabaa in aad ka faa'iido hesho taas samaynteeda.

U adkaysiga shakiga jira

Waxaa in badan laga hadlay ‘wax cusub oo caadi noqda’ – laakiin waxa caadiga ah ayaa is beddelaya oo shakiga jira, iyo maamulidda halista, ayaa dhab laga dhigan doonaa mustaqbalka la saadaalin karo. Tani ma aha wax raaxo gelisa qaar farabadan oo naga mid ah, gaar ahaan marka aan u adkaysanayno uun caafimaadkeena maskaxda ee aanan wax kale qaadi karin.

‘Waxa cusub ee caadi noqda’ waxuu inteena ugu badan nooga dhigan yahay ‘waxa aan u baahan nahay in aan samayno si aan u dhaafno maanta, ama toddobaadan’ – waxaa aad u adkaan doonta in la saadaaliyo sida ay xaaladdu u eekaan doonto sanadka qaybta ka hartay, oo maadaama ay qaar farabadan oo ka mid ah warbaahintu ka hadlayaan xaaladaha suurogalka ah iyo marxaladaha kaladuwan iyagoo aanan hubin, waxaa fudud in lagu dhex dhaco ‘haddii iyo haddii kale’.

Waxaa na caawin karta in aan diiradda saarno waxyaabaha aan barannay ee aan ka guul gaarnay xoogaagii bilood ee ugu dambeeyey.

Inteena ugu badan ayaa lagu taxaddiyey habab aanan weligeen ka fikirin, ayaa taxaddiyadaas dhaafay oo helay habab cusub oo ay isku dabbaraan – ama xataa ku kobcaan. Qaar farabadan oo naga mid ah waxay xayiraaddu taxaddi u gelisay anshaxaheena iyo waxa annaga muhiim noo ah. Nolosha, anshaxaha, iyo dabeecadaha aan lahayn horraantii bishii Maarso ayaa laga yaabaa in aanay ahayn kuwa aan rabno in aan dib u soo ceshanno bisha July, waxaana dhici karta in aan fursado u haysanno in aan weliba isbeddello wanaagsan u keenno nolosheena.

Diiradda saar waqtiga xaadirka ah – waxaad karaankaaga ugu fiican u adeegsan kartaa oo keliya waxa aad maanta hayso. Maadaama ay xeerasha iyo shuruucdu isbeddel badan leeyihiin, ee ay wadahadallo is khilaafsan ka socdaan warbaahinta, isku day in aad diiradda saarto waqtiga jooga. Khilaawada loo fikiro ayaa ah hab aad maankaaga dib ugu soo celiso waqtiga xaadirka ah.

Diiradda dib u saar waxyaabaha la hubo – inkastoo waqtiga xaadirka ah waxyaabo farabadan uu shaki ka jiro, haddana waxaa weliba jira waxyaabo habboon in lagu rajo qabo. Isku day in aad maskaxda ku duubto oo aad xiisayso waxyaabaha fiican marka ay dhacayaan. Isku day in aad fursado u qaadato dib u dhaqaajiska iyo is dabcinta.

La hadal dadka aad aaminayso – waxaa muhiim ah in aad ka hadasho waxa aad dareensan tahay. Ha iska indho tirin walaacyadaada oo naftaada si aad u xun ha u dhaleecayn. Waxaa weliba kuu suurtogeli karta in aad qolo kugu habboon ka hesho internetka, laakiin isku day in aad weliba hesho fikradaha dadka ka baxsan.

Dib u bilaabidda dhexgalka bulshada

Hadda oo aan ka baxayno xayiraadda waxaa suurogal noqon doonta in aan mar kale dib u bilowno dhexgalkeena bulshada – inkastoo ay isbeddello yeelan doonto mustaqbalka la saadaalin karo. Qaar naga mid ah ayaa aad ugu baahan in ay sidaas sameeyaan – laakiin qaar kale ayaa ka walaac qabi doona in ay sidaas sameeyaan – ama aanay suurogal u ahayn in ay sidaas sameeyaan xaaladaha ay ku jiraan awgood.

Haddii aad qayb ka tahay koox bulsheed oo waxqabad wada sameeya, isku day in aad qorshayso habab ay weli kaga qayb qaataan dadka aanan diyaar u ahayn in ay fool-ka-fool ku kulmaan.

Waxaa laga yaabaa in aan barannay raaxada bannaanka gaar noo ah iyo keli jooggeena waqtigii xayiraadda – si walba ayay taasi u ballaarnayd oo ay u xoog badnayd waxaana dhab ahaan khasab nagu noqon karta in aan isku cadaadinno in aan dib ula xiriirno dadka oo aan ka gudubno yaxyaxa ugu horreeya. Haddii ay tahay garashada sida loogu adkaysto in kala fogaynta dadka lala hirgeliyo saaxiibbada ama qaraabada, garashada halka aad u baahan tahay in aad maaskaro u xirato, ama dareemidda wax aanan caadi ahayn marka aad dadka u joogsan weydo si aad dariiqa ugula hadasho qaar farabadan oo naga mid ah ayaa raba in ay si sax ah wax u sameeyaan, waxayna ka walwal qabaan in ay sidbadaan. Dhammaanteed waa wax cusub – waxaana xaaladaha intooda ugu badan ku filan in aad si kaste ugu dadaasho in aad xeerasha raacdo.

Waxay taasi sidoo kale u tahay saaxiibbada carruurteena – carruur farabadan ayaa aad ugu baahnaa in ay saaxiibbada arkaan, laakiin qoysaska dhammaantood ayaa isku dayaya in ay fahmaan isbeddellada hadba sida ay u soo baxaan waxaana muhiim ah in siyaado loogu dadaalo in saaxiibbada dib loola xiriiro gaar ahaan haddii ay schoolada weli xiran yihiin.

Haddii aan gabbaad ku jirno ama ka mid nahay koox nuglan, waxaa la filan karaa marka ay dadka kale ee nagu hareersan bilaabaan in ay ka baxaan xayiraadda ee ay bilaabaan in ay sameeyaan waxyaabaha aan tabno, in aan dareenno cidla dheeraad ah iyo in aanan u adkaysan karin cadaadiska naga saaran in aan iska yarayno nidaamyada xayiraadda. Waxaa halis dhab ah loogu jiraa in loo-shaqeeyeyaasha, dugsiyada, ganacsiyada iyo saaxiibbada iyo qaraabadu ay sidii hore u awoodi waayaan in ay ku fahmaan oo ay ku taageeraan marka xayiraadda laga furo dadka kale. Waxay u baahan tahay shaqo badan oo shucuureed si loo wado in dadka kale la xasuusiyo sababta aadan wax uga qayb qaadan karin ama u raaci karin isla xeerashaas adigoo ah qof gabbaad ku jira – waxayna taasi dad farabadan saartaa ganaax la xiriira gaboodfal ay dareemaan.

Xasuuso in xeerasha iyo tilmaamuhu ay is beddelaan oo ay ku xiran yihiin cidda aad tahay iyo halka aad ku nooshahay. Waxaad fikrado sii faahfaahsan oo ku saabsan waxa aad samayn karto iyo waxa ay yihiin xadaymaha hadda jira halkan: https://www.mentalhealth.org.uk/coronavirus/four-nations-advice#socialising    

Hababkeena shaqada ayaa si aad u ballaaran isku beddelay markii xayiraadda la bilaabay – haddii aan shaqada sii wadnay annagoo ah hawlwadeen daruuri ah (key worker), guri ku shaqaynay, aan galnay rukhsad maqnaansho (furlough) ama shaqadeena luminnay. Hadda oo xayiraadda la dabcinayo, waxaa mar kale is beddeli doona hababkeena shaqada, waxayna dadka qaarkood raadin doonaan shaqo cusub.

Qaar farabadan oo naga mid ah, ka bixidda xayiraaddu uma aha ikhiyaar. Waddanka oo dhan waxaa dadka loogu amraa in ay shaqada ku noqdaan, xataa marka talada rasmiga ahi ay tahay in guriga lagu shaqeeyo mar kastoo suurogal ah. Qaar farabadan oo naga mid ah tani suurogal uma aha oo qorshaha loogu jiro soo noqoshada waxaa soo raacda baahi aan u qabno in aan ka fiirsanno halisaha badbaadada ee suurogal ah in ay ku wajahaan nafteeda iyo qoyskeena, oo aan ku eegno baahida loo qabo kasbashada lacagta, dib u dhaqaajinta dhaqaalaha waddanka iyo/ama adeegga la siiyo dadka kale.

Talo ku saabsan sida loo shaqeeyo waqtiga cudurka safmarka ayaan ku bixinnay halkan: [link to while working doc] oo dadka shaqadoodu ay is beddelayso hadda oo la dabcinayo qaybo ka mid ah xayiraadda talo u sii gaar ah ayaa halkan ku taalla.

Daryeelidda carruurta iyo qoyska

Waqtigii xayiraadda, dadka naga mid ah ee masuuliyado daryeel leh waxaan taageernay qoysaskeena. Waalidiinta iyo daryeeleyaasha, waxaa la filan karaa in ku noqoshada shaqadu ay siiso masaafo laga yaabo in ay soo dhaweeyaan oo ay u baahan yihiin – laakiin in ay weliba caqabad shucuureed keento marka isku dhawaanshaha qoyska ay dad aad u farabadan taageero ka heleen waqtigii xayiraadda. Talo sii faahfaahsan ayaan waalidiinta ugu haynaa halkan: [link to parenting page].

Iyadoo ay dugsiyadu ama xiran yihiin, ama saacado gaaban oo keliya u furan yihiin ardayda qaarkood ilaa nasashada xagaaga ugu yaraan, waalidiinta waxaa ku wajahan waqti dheeraad ah oo ay u baahan yihiin in ay helaan daryeelka carruurta, gargaar ka bixiyaan shaqada dugsiga ayna ka go'aan gaaraan haddii ay carruurta dib ugu diraan iyo goorta ay dib ugu dirayaan. Waalidiintu waxay rabaan in ay sida ugu fiican ugu dadaalaan carruurtooda – laakiin qaar farabadan ayaa iminka dhanka shaqada lagaga cadaadiyaa in ay ama xafiiska ku noqdaan, ama ay dib u bilaabaan heer waxsoosaar iyo ka qaybgal aanan ku toosnayn masuuliyadaha daryeelka carruurta ee saaran toddobaadka la shaqeeyo dhammaantiis. Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan ku noqoshada dugsiga, eeg halkan: https://www.mentalhealth.org.uk/coronavirus/returning-school-after-lockdown 

Xaalad taas la siman ayaa ku soo baxda daryeeleyaasha aanan mushaar lahayn: laga yaabo in caafimaadka jirka ama maskaxda qofka ay daryeelaan uu sii xumaaday waqtigii xayiraadda iyo in ay is beddeleen baahiyaha ay iyaga laftigoodu qabaan.  Waxay tani keeni doontaa qiimayno cusub iyo isbeddello lagu sameeyo adeegga la bixiyo.

Tacsida

Tacsidu waa wax qaar farabadan oo naga mid ah ay la kulmeen waqtigii xayiraadda.  Dad farabadan ayeey soo wajahday geerida qof ay isku dhawaayeen bilahan ugu dambeeyey, oo maadaama la xadeeyey tagidda aasyada ama duugyada, ee dhawaan keliya kooxo aad gaar u ah loo banneeyey wehelka aanan la kala fogayn, waxaa laban laabmay tan dhibkeeda.

Hadda oo aan bilaabayno in aan ka baxno xayiraadda waxaa mar kale suurogal noqon doonta in dadku is arkaan, iyo in taageero la siiyo dadka aan isku dhownahay ee geeri ku dhacday, inkastoo waqtiga xaadirka ah ay waajib tahay in tan lagu kala fogaado oo aanan habsiin lagu samayn karin – haddii aadan ahayn waalid keli ah oo haysta carruur 18 jir ka yar, ama qof keligiis meel ku nool, oo ‘ubur’ la dhistay hal kaloo reer ah. Macluumaadka aan ka hayno ka gudbidda dhimashada iyo geerida waxaad ka heli kartaa halkan: https://www.mentalhealth.org.uk/coronavirus/change-loss-bereavement

This translation was funded by Foundation Scotland and the National Emergencies Trust and distributed by the Scottish Refugee Council.